Xulka Kubada Cagta Itoobiya oo Galabta Ku Sagootiyay Xulka Soomaaliya 5 iyo 0.

Filed under: CAYAARAHA,WORLD |

Addis-ababa(BulaaleNews).Xulalka Kubada Cagta ee Qaarada Afrika ayaa Isu Diyaarinaya Sidii Ay koox kastaaba ugu Suurto gali lahayd ka mid noqoshada Xulalka Qaarada Afrika uga Qayb gali doona Tartanka Koobka Adduunka ee ka Dhici doona 2012ka Dalka Brasil.
Xulalka  Kubada Cagta ee Bariga afrika Ayaa iyagu Waayadanba ku Jiray Ciyaaraha Isreeb-reebka,Taasooy Maanta Ciyaar aad u Xiiso badnayd ay ku dhexmartartay Garoonka Kubada Cagta ee Addis-ababa Xulalka Ciyaartoyda Kubada Cagta ee Dalalka  Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ciyaartan Galinkii Danbe ee Maanta Dhexmartay labada kooxood ayaa ka duwanayd,Ciyaartii Wareegii 1aad ku dhexmartay Dalka Jabuuti oo u Ahaa Somaliya Gurigoodii,Maadaama aynan suurto-gal ahayn in Soomaaliya Ciyaar Caalami ahi ka dhacdo,dhanka nabadgalyada Awgeed.
Ciyaartii labada kooxood ku dhex martay Dalka jabuuti ayaa la isla dhaafi waayay 0-0,halkaasoo taageerayaal badan oo dalka itoobiya ah ka cadhaysiisay,inkastoo Tababaraha Xulka Qaranka Kubada Cagta itoobiya uu Saadaal fiican ka sii bixiyay Natiijada Ciyaarta labada dal ku Dhex mari doonta gurigooda(Addis-ababa),waa siduu hadalka u dhigaye.
Si kastooy ahaataba ciyaar aad u xiiso badnayd ayaa ay mar kale xulalka itoobviya iyo soomaaliya ku dhex martay garoonka weyn ee kubada cagta kuna yaala magaalada addis-ababa.
Ciyaartan oo tab iyo xeelad wixii ay hayeen labada kooxoodba ku soo bandhigeen,koox kastaana Damaceedu ahaa in ay Guul kala hoyan doonto Garoonka,balse maxaa ka dhacay markii ciyaartu bilaabmatay labada kooxoodna bilaabeen in ay isku hardiyaan kubada Qaybtii hore ee Ciyaarta.
Markii ay Ciyaartu Socotay Qaybtii Hore 5 daqiiqo oo kaliya ayaa weeraryahanka xulka Dalka Itoobiya Cumar Dhukuri uu Gool Qurux badan ku Hubsaday Shabaqa Kooxdii Soomaaliya,taasoo Goolhayaha Somaliya Khaalid Dabamartay.
Si kastooy ahaataba Ciyaartii Qaybta 1aad ayaa ku dhamaatay 1 iyo 0 oo uu itoobiya u dhaliyay Ciyaartoyga Cumar Dhukuri,Walow Xulka Kubada Cagta Dalka itoobiya ay ku Gacan Sareeyeen Haynta Kubada iyo Weerarkaba.
Nasashadii ka dib ayaa la isugu soo noqday Qaybtii 2aad ee Ciyaarta,iyadoo Talooyin iyo xeelado dheeri ahba ay soo siiyeen Tababarayaashoodu,Daqiiqadihii ugu horeeyay ee Ciyaarta ayaad moodaysay in ay Xulka Kubada Cagta soomaaliya wax ka badaleen Ciyaartii dardar hor lehna la yimid.
Taageerayaasha labada Wadan ayaa iyaguna Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Addis-ababa soo camiray,watayna Calamada labada wadan,Xamaasad iyo sawaxana ku muujinayay taageerada wadamadooda.
Xulka itoobiya ayaase Daqiiqadii 67aad Xaqiijiyay Goolkoodii 2aad kuna hubsaday Shabaqa Soomaaliya,wixii intaa ka danbeeyay Xulka Kubada Cagta Soomaaliya Waa ay Xakamayn kari waayeen,halkaasooy Ciyaartoyda Itoobiya ugu xoog sheegteen kooxdii Soomaaliya  si Talan-taali ahna uga dhaliyaan 3 Gool,halkaasoo 90kii Daqiiqo ee Ciyaartani ku soo Gabagabawday 5 iyo 0,halkaasoo Xulkii Kubada Cagta Soomaaliya uu kala huleelay Waji Gabax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Cleantalk