BULSHADII KU-DEYASHADA MUDNEYD
Nov 21, 2011
Dhanka wanaaggsan in loo kala hinnaaso waxay kamid tahay saldhigyada ay nolosha ku socoto. Heer qofeed iyo heer qaran, wixii wanaagga kaaga dheereeya, dareenka caafimaad-qaba wuxuu keenayaa in laga hinnaaso, damiirka noolna wuxuu keenayaa in lala looltamo. Loolanka wanaagsan ee halkaas ka dhasha wuxuu kamid ah arimaha lagu gaaro hr u-marka labada nolol. Kitaabka Quraanka ah meelo dhowr ah ayaad ku…
Nov 13, 2011
Prince Luigi Amedeo, 11 cisho ka hor intuusan Xamar ka dhoofin wuxuu furey dhismihii waynaa ee kaniisaddii Xamar. Waxay ahayd xilligaas kaniisadda ugu wayn ee qaaradda Afrika ka dhisneyd. Qaab-dhismaheedka kaniisaddan waxaa loo ekeysiiyay dhismo kaniisad ku taal magaalada la yiraahdo Cefalù oo 75 km. u jirta Palermu oo ah magaalo-madaxda jasiiradda Sicilian, taas oo la dhisey markey taariikhdu ahayd…
Nov 6, 2011
Kitaabka quraanka ah ooraadiisu maahan mid la hadleysa meel maran. Bal waa ooraah leh yool ay kula hadleyso guud ahaan aadamiga si ay u gaarsiiso xaqiiqada ay noloshu ku dhisan tahay. Si gaar ah waxay ula hadleysaa intii sheegatay in ay rumeeyeen. Waa kitaab qofkii u dhega nuglaada, uu ka helayo lab faxan iyo nuur. Qofkii ka dhega adeygana wuxuu helayaa lab ciriiryoon iyo gudcur. Waa kitaab rumeyntiisa…
Oct 30, 2011
Khudbaddii uu Boqor Cismaan ka jeediyay Boosaaso, waxay soo af-jartey dagaalkii la magac-baxay Dagaalkii Shanta Sanadood ee Soomaaliya (Cinque Anni di Guerra in Somalai). Cesare Maria De Vecchi, oo ahaa xaakimkii Talyaaniga, islamarkaana hoggaaminayay dagaalka, buug uu ka qorey ayuu ku soo ururshey sheekooyinka ka harey dhacdooyinkii dagaalka. Wuxuu qoraalkiisii ku soo gabagabeeyey war-bixin uu kaga…
Oct 24, 2011
Qumraan waxaa lagu magacaabaa dhul-dhagaxeed ku yaal xeebta galbeed ee badda meydka ah (Dead Sea) bariga dalka Jordan. Dhulkaasi oo ah dhul qarar badan leh ayaa wuxuu 8 km. u jiraa degmada Ariixa (Jericho) ee dalka Falastiin kaga taal daanta galbeed ee webiga Jordan. Waxaa halkaas ku dhaqan qabaa’il lagu magacaabo Al-Tacaamir ee carabta badowda ah. Degaanku maahayn mid la yiqiin muddadii ka-horeysey…
Oct 13, 2011
Dabayaaqadii 1926-kii, kadib markii xooggii gumeystaha uu ku fashilmey labadii qorshe-weerar ee hore, Talyaanigii wuxuu bilaabey qorshaha weerarkii saddexaad ee uu ku doonayay in uu kula wareego gobolka. Ciidamo tiro badan ayuu soo ceegaagey gobolka afartiisa jaho. Ciidankii ugu horeeyey oo dhamaa hal guuto, waxay ka soo dhaqaaqeen degmada Eyl markey taariikhdu ahayd 18/ 11- 1926-kii. Ciidankan oo…
Sep 30, 2011
Sida aanu soo xusney guutooyinkii u adeegayay xooggii gumeystaha, waxaa lagu soo ururshey degmada Eyl. Dabadeed waxay guda-galeen howl-galladii weerarka ahaa oo ay kaga hor-tegayeen dagaalyahaniintii axraarta ahayd. Ciidamadii Talyaanigu watay iyaga oo laba af ah ayaa waxay u hayaameen dhanka waqooyi. Ciidan waxay qaadeen dhulka xeebta ku dhereran ee degmada Eyl kaga began waqooyiga, degaankana dhanka…
Sep 21, 2011
Talyaanigii ciidamo badan ayuu ku soo dejiyay degmooyinkii uu u arkayay in ay ahmiyad istraateejiyadeed u leeyihiin weerarada uu ku doonayay in uu ku gumeeyo degaanka iyo dadkiisa. Degmooyinka uu markaas ciidamadiisa fariisiyey waxaa kamid ahaa Boosaaso iyo Xaafuun. Sheekooyinka odey ka-sheekeega ah ee ka waramaya dagaallada xilligaas dhacay waxaa kamid ah fal ka dhacay degmada Boosaaso. Koox dagaalyahanno…
Sep 11, 2011
Waxaa bilowdey fara isa-saarkii u dhexeeyay Soomaalidii ku dhaqneyd Majeertiinya iyo xoogaggii is-dhadnaa ee Talyaaniga uu ka soo dejiyay xeebihii gobolka. Colaaddaasi waxay si buuxda u amba-qaaday dabayaaqadii bishii oktoober 1925-kii. Talyaanigu wuxuu markaas itaalkiisii isugu geeyey weeraradii hore oo uu ku duqeynayay degmooyinka xeebaha ku yaal. Waxaa markaas bilowdey dagaalka ay Soomaalida u yaqaaniin…
Sep 2, 2011
Go’aankii iska-caabinta ahaa oo ay gaareen qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka Majeertiinya, waxaa dhinac socdey qorshayaashii uu De Vecchi ku doonayay in uu ku weeraro gobolka. Waxaa xusid mudan in xilligaas uu ahaa isla xilligii xoogga Talyaaniga uu Mudug soo weerarayay. Sida aanu soo sheegney labadaas degaan waxay ahaayeen labada meelood oo markaas gacantiisa ka maqnaa. Talyaanigu…
Aug 21, 2011
Dilka maqaawiirtii Fallaago, inkasta oo ay ahayd dhacdo kooban, misana waxay reebtey utun taariikh dheer socotey. Waxay kala fogeysey cududda qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee isku duddada iyo isku-danta ahaa. Cududdaas oo raggii kacdoonka waday ay doonayeen in ay isla helaan iyada oo is-raacsan si ay Talyaaniga isaga caabiyaan, waxay dhaawacantay dilkii dabadeed. Bal dhacdadu waxay kamid noqotey saldhigyada…
Aug 9, 2011
Dareen xooggan ayaa ka dhashey falkii han-jebiska ahaa iyo su’aalihii xujada ahaa ee Soomaalida uga imanayay maamulkii Talyaaniga ee la wareegey talada degaanka Ceel-Buur. Waxay ahayd xilli uusan Talyaanigu si fiican u caga-dhigan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dareenkii ka dhashay hanjabaaddiisa waxay keentey jawaab fal-celis ah, taas oo maamulkii Talyaaniga uga timid dhanka kooxdii Fallaago. Xabsigii…
Jul 26, 2011
Nadaamkii Xamar ka dhismey ee Talyaaniga uu hoggaanka u hayay, muddo dheer kuma ayan qaadan in uu muquuniyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Banaadir. Waxaa sidaas u sahlay awooddii dowladda Talyaaniga ee la daba-taagneyd taakulada iyo saadka joogtada ah. Isla-xilligaas uu culeyska ku hayay Banaadir, maamulkii gumeysiga wuxuu gacanta ku hayay qorshihii uu kula wareegi lahaa meelaha u haray oo…
Jul 19, 2011
Guddoomiyihii Talyaaniga ee fashiistiga ahaa (Cesare Maria De Vecchi), dib uma uusan dhigan in uu soo saaro xeerar uu ku adkeynayay maamulkiisa gumeysiga ah. Mid kamid ah xeerarkaas wuxuu ahaa qaanuun uu hubka kaga dhigayo qof kasta oo Soomaali ah. Waxay ahayd xilli laga soo baxay dagaalkii I-aad ee dunida. Ummadihii uu dagaalku qabsadey dhulkooda, geerida iyo bur-burka badan ka sokow, waxay ka dhaxleen…
Jul 18, 2011
Wixii ka horeeyey dagaal-waynihii I-aad ee dunida (1914-1918), Ingiriiska iyo Talyaaniga heshiis ayay ku ahaayeen qeybsiga dhulka Soomaaliyeed. Laakiin markii uu dagaalkii dhamaadey, sida aanu arki doono, waxaa is-beddeley hoggaankii siyaasadda dalka Talyaaniga. Waxaa markaas bilaabatey, guud ahaan in si xooggan uu khilaaf u soo kala dhex-galo aragtidii siyaasadeed ee labada dal. Taasi waxay dhalisey…
Jul 1, 2011
Sayid-kiiba damac dowladnimo loona dacarreeye Waxdhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada’e Dalkan aynu leenahay waqiis lama dullaaleene Dayr laguma oo-teen kuwii diirka ii xigaye Dubaakhooyinkii lagu dhuftiyo daqarki loogaystay Doc ka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayay Soomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiise Goortuu dan-gabay wowsagii sii…
Jun 23, 2011
Qaybtii Koowaad ka akhri Halkan…. Bilowgii qarnigii XX-aad, xilliga maamulkii Faransiiska uu ku howlanaa mashruuca dekadda Jabuuti iyo dhismaha waddada tariinka, aragtida Soomaali wayn waxaa ololkeeda ay ka hureysey gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya. Waxay caga-dhigatay labada gobo lee hadda lagu magacaabo Sool iyo Nugaal. Waxaa halkaas degey halgankii hanaqaadka noqdey…
Jun 23, 2011
Soomaali-wayn waa erey maqalkiisa uu ku yar-yahay dhegaha inbadan oo kamid ah faca Soomaaliyeed ee maanta nool. Waxaase wax badan ku hadaaqey ereygaan labadii fac ee ka horeeyey faca dhallinyarada ah ee nasiibkoodu noqdey in ay xilligan noolaadaan. Qaar kamid ah Soomaalida ayaa waxay u arkaan ereyga Soomaali-wayn in uu xambaarsan yahay aragti la xiriirta ahaanshaheena dadeed iyo lahaanshaheena daleed….