BULAALE http://bulaale.com Wararka deegaanka iyo caalamka Fri, 18 May 2012 05:27:42 +0000 en hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.3.2 Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay Fadliga salaada Jimcaha http://bulaale.com/2012/05/18/sheekh-maxamed-cabdi-umal-oo-ka-hadlay-fadliga-salaada-jimcaha/ http://bulaale.com/2012/05/18/sheekh-maxamed-cabdi-umal-oo-ka-hadlay-fadliga-salaada-jimcaha/#comments Fri, 18 May 2012 05:24:57 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5177

]]>
http://bulaale.com/2012/05/18/sheekh-maxamed-cabdi-umal-oo-ka-hadlay-fadliga-salaada-jimcaha/feed/ 0
Caruurta public schoolka loo diro (iskuulada wadamada gaalada http://bulaale.com/2012/05/18/caruurta-public-schoolka-loo-diro-iskuulada-wadamada-gaalad/ http://bulaale.com/2012/05/18/caruurta-public-schoolka-loo-diro-iskuulada-wadamada-gaalad/#comments Fri, 18 May 2012 04:52:27 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5171

]]>
http://bulaale.com/2012/05/18/caruurta-public-schoolka-loo-diro-iskuulada-wadamada-gaalad/feed/ 0
Faroole oo sheegay in Addis Ababa tahay meesha kaliya ee lagu xalin karo muranka dastuurka Soomaaliya http://bulaale.com/2012/05/17/5163/ http://bulaale.com/2012/05/17/5163/#comments Thu, 17 May 2012 17:16:13 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5163

B U L A A L E   N  E  W  S
Addis Ababa, 17-May-2012 – Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa sheegay in muranka ka taagan dastuurka cusub ee Soomaaliya loo baahanyahay in xal degdeg ah loo helo. Faroole oo maalmahan shaki weyn ka muujiyey ficillada xukumadda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku aadan dastuurka, maruu la hadlayey Laanta Af-Syoomaaliga ee BBC, wuxuu tilmaamay in xal u helidda arrintan oo kale ay ku habboon tahay caasimadda Itoobiya, Addis Ababa. “Anagaa codsanay oo initiative-ka inaguu inaga yimid. Warqad ayaan international community-ga u qornay, iyo saxiixayaashi-ba, in Addis Ababa la isugu yimaaddo. Maxaa yeelay, Addis Ababa waa meesha ugu habboon ee la isugu iman karo…” ayuu yiri Faroole.Itoobiya oo ah dal federal ah oo ka kooban sagaal ismaamul gobolleed iyo labo magaallo oo hoostaga dowladda federalka ah (caasimadda Addis Ababa, iyo magaalada Diredhaba oo ay qowmiyaadka ku kala bixi waayeen), waxey tusaale fiican u noqon kartaa nidaamka federalism-ka ee uu doonayo Madaxweyne Faroole. Puntland ayaa dhawaan ku gacanseydhay dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegtay mid aan ka tarjumeyn xaqiiqda wakhtiga ay hadda ku jirto Soomaaliya. Qoraal dheer oo ay dowladda Puntland ka soo saartay qodobada ay saluugtay ee qabyo qoraalka dastuurka cusub ayey ku sheegtay in billaawga hore-ba uu qarriban yahay cinwaanka loo sameeyey dastuurka, kaasoo ah “Jamhuuriyadda Soomaaliya.” Dowladda Puntland ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inaan la aqbali karin magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” halkaasna loo baahanyahay in lagu baddalo “Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.” Madaxweyne Faroole ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, wuxuuna ka soo duulay magaalada New Delhi, halkaasoo uu wadahadallo kula soo yeeshay masuuliyiinta dalka Hindiya iyo shirkadaha dalkaas ee dhanka shidaalka. Faroole ayaa dowladda Hindiya ka codsaday in loo tababarro arday barata dhanka shidaalka, wuxuuna ballanqaaday in shirkadaha Hindiya uu siin doono blocks ay ka baaraan shidaal dheeraad ah. Puntland ayaa waxaa haatan ka socota qodidda ceelal shidaal, kadib markii ay shirkadda Africa Oil ku dhawaaqday bishi January inay Puntland ka heshay shidaal. Shirkadaha illaa hadda ku howllan qodidda shidaalka Puntland ayaa kala ah: Africa Oil,  Horn Petroleum, Range Resources iyo Red Emperor. Shidaalka baaxadda leh ee ku jira Puntland dartii, maamulka Faroole ma doonayo in Soomaaliya ay yeelato nidaamka loo yaqaan “unitary,” kaasoo ogolaanaya inay dowladda dhexe siday doonto u maamusho guud ahaan dalka. Nidaamka unitary oo ay adag tahay in laga iibiyo ummadda Soomaaliyeed xilligan, uma ogolaanayo gobolladaha inay wax ka dhahaan go’aan ka soo baxay dowladda dhexe. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u oomman nidaam federalism ah, kaasoo isu soo dhaweyn kara ummadda, islamarkaana xal u noqon kara shakiga xooggan ee ay wali kala qabaan qabaa’illada Soomaaliyeed
]]>
http://bulaale.com/2012/05/17/5163/feed/ 0
SANAD GUURADI 3AAD EE URURKA DHALDOON ISUROON EE SOMALIDA MARAYKANKA http://bulaale.com/2012/05/17/sanad-guuradi-3aad-ee-ururka-dhaldoon-isuroon/ http://bulaale.com/2012/05/17/sanad-guuradi-3aad-ee-ururka-dhaldoon-isuroon/#comments Thu, 17 May 2012 04:40:48 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5150

]]>
http://bulaale.com/2012/05/17/sanad-guuradi-3aad-ee-ururka-dhaldoon-isuroon/feed/ 0
Madaxweyne Faroole Iyo Hindiya Oo Buracad-badeeda Kawada Hadlay. http://bulaale.com/2012/05/16/puntland-iyo-hindiya-oo-buracad-badeeda-kawada-hadlay/ http://bulaale.com/2012/05/16/puntland-iyo-hindiya-oo-buracad-badeeda-kawada-hadlay/#comments Wed, 16 May 2012 16:45:55 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5144

Dalhi-(bulaale) Dowlada Wadanka Hindiya ayaa Madaxwaynaha Puntland kala hadlay sidi loga hortagi lahaa Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee ka qowlaysta Xeebaha Caalamka.

Wafdigan uu Hogaaminayay Madaxwaynaha Puntland ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dalka Hindiya kaasi oo ay kawada xaajoodeen arimo u badan la dagaalanka Burcadbadeeda.

Dowlada Hindiya ayaa sheegtay inay aad u danaynayso inay Maamulka Puntland kawada shaqeeyaan Arimaha Burcadbadeeda , diyaarna u yihiin inay ka caawiyaan Puntland agabyada ay u baahantahay.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamad Faroole oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay Puntland diyaar u tahay inay Hindiya ka caawiso la dagaalanka Burcadbadeeda.

Mr Faroole waxaa uu sheegay in Maamulkiisu uusan taageersanayn in Kooxaha Burcada ah lasiiyo lacago Madaxfurasho ah, balse ay doorbidayaan in xoog lagu maquuniyo.

Gabagabadi Faroole waxaa uu sheegay in Maamulkiisa Dalka Hindiyaka caawiyay howlgal lagusoo badbaadinayay Mawaadiniin Hindiyaan ah oo afduub u haysteen kooxaha ka qowlaysta Xeebaha Caalamka.

Dowlada Hindiya waxaa ay Maamulka Puntland la gashay heshiis ku aadan ciribtirka Burcadbadeeda, taas badalkeedana iyadu ka caawinayso , Dhismaha iyo Tababarka Ciidamada Badda, Agabka Ciidmada iyo waxyaabo kalaba.

 

]]>
http://bulaale.com/2012/05/16/puntland-iyo-hindiya-oo-buracad-badeeda-kawada-hadlay/feed/ 0
Dajire Augustine Mahiga oo Beesha Caalamka ka codsaday in dhaqaale lagu bixiyo Meel-marinta heshiiska Qariidadda Nabadda http://bulaale.com/2012/05/16/dajire-augustine-mahiga-oo-beesha-caalamka-ka-codsaday-in-dhaqaale-lagu-bixiyo-meel-marinta-heshiiska-qariidadda-nabadda/ http://bulaale.com/2012/05/16/dajire-augustine-mahiga-oo-beesha-caalamka-ka-codsaday-in-dhaqaale-lagu-bixiyo-meel-marinta-heshiiska-qariidadda-nabadda/#comments Wed, 16 May 2012 14:47:01 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5139

Arbaco, May 16, 2012 — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa ka dalbaday beesha calaamka in la bixiyo tageero dhaqaale oo suuro-gelin kara dhameystirka nidaamka qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah ka hor bisha Ogoosto.

Danjire Mahiga ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan caqabado ka horimaanaya meel-marinta dhameystirka xilliga KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in waqti yari iyo kharash la’aan ay caqabad ku noqon karaan dhameystirka Roadmap-ka.

“Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga gaaray heshiiskaas,” ayuu yiri Mahiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay in canaasiirtaas wax laga qabto ka hor inta aysan yareysan howsha lagu dhameystirayo xilliga KMG ah.

Madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif oo goobjoog ka ahaa shirkii looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay xarunta golaha ammaanka ayaa yiri: “Waxaan shaki ku jirin dareenka bulshada calaamka ee ku aaddan Soomaaliya inuu aad u fiican yahay ayna ka go’an tahay in la dhiso hay’adaha dowladda maamulkana la gaarsiiyo dalka oo dhan.”

Dhanka kale, bayaan kasoo baxay shirka golaha ammaanka ayaa lagu soo dhaweeyay horumarka ay DKMG ah ka sameysay meel marinta qariidadda nabadda, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an-tahay inay taageerayaan nidaamkaas.

Golaha ayaa wuxuu dowladda iyo dhinacyadii saxiisay heshiiska Roadmap-ka laga dalbaday inay laba-laabaan dadaalkooda lagu dhamkeysitrrayo heshiskaas, lagana qayb-geliyo dumarka iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyn, golaha ammaanka ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen doorka ay yeelan karaan dadka kooxaha horjeeda meel-marinta heshiiska qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah.

]]>
http://bulaale.com/2012/05/16/dajire-augustine-mahiga-oo-beesha-caalamka-ka-codsaday-in-dhaqaale-lagu-bixiyo-meel-marinta-heshiiska-qariidadda-nabadda/feed/ 0
Amisom Oo Beenisay Warki Shabaab. http://bulaale.com/2012/05/16/amisom-oo-beenisay-warki-shabaab/ http://bulaale.com/2012/05/16/amisom-oo-beenisay-warki-shabaab/#comments Wed, 16 May 2012 04:03:31 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5135  

 

Muqdisho(bulaalenews) Taliska Ciidamaada Nabad ilaalinta ee Amisom ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray Askari Aqoonsigiisa soo bandhigen dhawaan Ururka Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Amisom ayaa sheegay in Askariga aqoonsigiisa Shabaabku soo bandhigeen uu ka tirsanaa Ciidamadooda , Balse uu geerioyaday mudo hada laga joogo Todobo Bilood.

Warsaxaafadeedka AMisom ayaa lagu sheegay in Maj. Emannuel Bizimini uu kamid ahaa ciidankooda ,lkn lagu dilay iskahor imaad ka dhacay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Sanadkii Aanu ka Soo gudubnay ayaa waxaa Ciidama Amisom Muqdisho looga dilay Askar badan dagaal kadhacay Degmada Deyniile oo Ay la galeen Ururka Alshabaab.

]]>
http://bulaale.com/2012/05/16/amisom-oo-beenisay-warki-shabaab/feed/ 0
Barre Hiiraale Oo Gaaray Degmada Ceelwaaq. http://bulaale.com/2012/05/15/barre-hiiraale-oo-gaaray-degmada-ceelwaaq/ http://bulaale.com/2012/05/15/barre-hiiraale-oo-gaaray-degmada-ceelwaaq/#comments Tue, 15 May 2012 14:19:50 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5131 Ceelwaaq(Bulaalenews) Xildhibaan Barre Aadan shire Barre Hiiraale oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gado.

Barre Aadan Shire Barre Hiraale ayaa waxa uu ka soo ruqaansaday Magaalada Dolow ee xadka Soomaaliya iyo itoobiya oo in mudaa uu ku suganaa.

Safarka barre hiiraale ayaa waxaa ku wehliya Ciidamado farabadan oo uu wato iyo Col: Aadan Koronto oo kamid ah Saraakiisha Dowlada KMG ah ee Dagaalada kala soo horjeeda Ururka Shabaab.

Socdaalka Barre Hiiraale ayaa ahaa mid aan hore loo shaacin waxana arintaa ka danbeysay kadib markii ay isku dhaceen saraakiisha hogamineysa Ciidamada ethopia oo ka mamnuucay inuu ka qeyb qaato howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Wararka naga soo garaaya Ceelwaaq ayaa sheegay in hada ay kulamo usocdaan xildhibaan Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Saraakiisha Ciidanka DKMG Soomaaliya Ee Gobalkaa kusugan.

Barre aadan ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaanda kasoo jeeda Gobolka Gedo lana Dagaalamaya Kooxda Alshabab ee Gobaladaa Gacanta Ku hayaa.

]]>
http://bulaale.com/2012/05/15/barre-hiiraale-oo-gaaray-degmada-ceelwaaq/feed/ 0
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Mareykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya http://bulaale.com/2012/05/14/madaxweynaha-soomaaliya-oo-dalka-mareykanka-uga-qaybgalaya-shir-looga-hadlayo-arrimaha-soomaaliya/ http://bulaale.com/2012/05/14/madaxweynaha-soomaaliya-oo-dalka-mareykanka-uga-qaybgalaya-shir-looga-hadlayo-arrimaha-soomaaliya/#comments Mon, 14 May 2012 19:36:43 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5117 Isniin, May 14, 2012 (bulaale) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Maerykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhaci doona xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa looga hadli doonaa xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii u qabsoomayd dowladda KMG ah, waxaana Soomaaliya matalaya madaxweyne Sheekh Shariif.

Wadfiga Madaxweynaha ayaa gaaray Mareykanka kaddib markii ay xalay ka dhoofeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo madaxweynuhu intii uusan u dhoofin mareykanka muddo laba casho ah ku sugnaa dalka Uganda.

Sheekh Shariif ayaa kulammo la yeeshay intii uu Uganda ku sugnaa madaxewynaha dalkaas Yoweri Museveni oo ay ciidammo badan ka joogaan Soomaaliya iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo howlaha AMISOM.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, isagoo ku boorriyay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabadda, sidoo kalena wuxuu booqday ciidammo Soomaali ah oo tababar loogu soo gabgabeeyay duleedka Kampala.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii labaad oo uu halkaas ku tago tan iyo markii uu noqday Madaxweyanaha DKMG ah ee Soomaaliya sannadkii 2009.

 

]]>
http://bulaale.com/2012/05/14/madaxweynaha-soomaaliya-oo-dalka-mareykanka-uga-qaybgalaya-shir-looga-hadlayo-arrimaha-soomaaliya/feed/ 0
Xidhiidhka Beesha Absame iyo Tigreega oo aad usii wanaagsananaya iyo Meles oo rajo ka muujiyey shidaalka dooxada Ogaden http://bulaale.com/2012/05/14/xidhiidhka-beesha-absame-iyo-tigreega-oo-aad-usii-wanaagsananaya-iyo-meles-oo-rajo-ka-muujiyey-shidaalka-dooxada-ogaden/ http://bulaale.com/2012/05/14/xidhiidhka-beesha-absame-iyo-tigreega-oo-aad-usii-wanaagsananaya-iyo-meles-oo-rajo-ka-muujiyey-shidaalka-dooxada-ogaden/#comments Mon, 14 May 2012 16:20:07 +0000 Maamulka http://bulaale.com/?p=5109 Sida aad wada ogsoon tihiin waxaa beryahan dambe aad ugu dhoofay  ama tegay Ethiopia Mowjad aan horay loo arag ama dad tirada dhan oo kas soo jeeda degaanka Ogadeeniya ama Somali Galbeed ama DDSi ninba sida uu u yaqaano mowjadan qurba joogta ah ee tagay Ethiopia ayaa waxa ay aad u soo jiteen indhaha Ethiopia iyaga oo Hoteladi wada buuxiyay meel lakala marana la waayay Addis Ababa ilaa Jigjiga dadka oo mudo aad u badan ka maqnaa dhulkooda hooya oo kala yimid Maraykanka Canada Yurub Australia Africa Carabaha.

Qowmiyada Tigreega oo cuqdad badan ka qabtay xaga  Absamaha ama cadaawad badan oo lagu shubay inay yihiin Absamuhu Cadowgooda kowaad  ayaa beryahan cadaawadi isu bedeshay is jacayl walaalnimo iyo isku soo dhowaansho aana horay loo arag somalidu waxa ay ku maah maahdaa Nacayb badan Jacayl badan ayuu leeyahay Jaaliyada DDSI ama Somali galbeed (Ogaden) ayaa waxa ay noqotay Jaaliyada ugu horaysay Lacagbixinti biyixidheenka Abay

Ethiopia marka aad tagto waxaa hada ugu awood badan uguna dhaqdhaqaaq badan Qowmiyada somalida oo aduunka oo dhan ka kala timid dadkaas waxa ay isug jiraan Ganacsato Aqoon yahano iyo dad eheladooda soo booqday

somalidu waxa ay dhahdaa nabad wiil iyo caano ayay leedahay intii yarayd ee ee isbedelka siyaasadeed uu ka  dhacay ee ururka somaligalbeed iyo Garabka ONLF  dhulka tegay waxaa dhacay  isbedel aan caadi ahayn

Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa shaqsiyan marki ugu horreysay muujiyey in Itoobiya ay rajo weyn ka qabto in bannaanka la keeno shidaalka dooxada Ogaden ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ra’isulwasaare Meles ayaa hadalkan ka yiri shir-doceed looga hadlayey maalgashiga Itoobiya, kaasoo garab socday Shirka Dhaqaalaha Aduunka ee Afrika oo isbuucan lagu qabtay magaalada Addis Ababa.
Shir-doceedkan oo ay isku soo dubaridday shirkadda South West Energy (HK) Ltd oo laga leeyahay dalka Itoobiya, haatana howllo shidaal baadhis ah ka wadda dooxada Ogaden ee deegaanka Soomaalida, waxaa goobjoog ka ahaa hogaamiyayaasha shirkado dhan 400, kuwaasoo isugu jiray kuwo Itoobiya laga leeyahay iyo kuwo caalami ah.
Meles ayaa isagoo farta ku fiiqayey Guddoomiyaha shirkadda South West Energy (HK) Ltd, Tewodros Ashenafi, oo shirka fadhiyey, wuxuu yiri, “Tewodros ayaa noqon doona sidaha warka fiican,” taasoo micnaheedu tahay in shirkadda South West Energy (HK) Ltd ay natiijooyin wacan ka gaadhay howllaha baadhista shidaal ee ay ka waddo deegaanka Soomaalida.
Tewodros oo maalmahan dadaal xooggan ugu jira sidi uu shirkaddiisa South West Energy (HK) Ltd ugu heli lahaa shirkad caalami ah oo ay kula shirkowdo aagagga ay shidaalka ka baadheyso ee deegaanka Soomaalida, wuxuu shir-doceedkan ka sheegay in natiijooyinka baadhitaannadi ay sameeyeen ay ahaayeen kuwo “aad u dhiirigaliyey.”
Tewodros ayaa ka soo qeybgalayaashi u sheegay in meeshi lagu gaadho sanadka soo socdo ay suurogal tahay in la soo saaro shidaalka dooxadan.
Dowladda Itoobiya ayaa masuuliyiinti shirkadaha ka soo qeybgalay shir-doceedkan u soo bandhigtay qarashka loo baahan yahay ee ku bixi doonta dhismaha kaabayaasha lagama’maarmaanka u ah soo saaridda shidaalkan, taasoo lagu qiyasay $3 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.
Tewodros ayey isbuucan u aheyd mid aad u fiican, kadib markii uu ku guuleystay in Shirka Dhaqaalaha Aduunka ee Afrika lagu qabto Addis Ababa, taasoo uu dadaal iyo wakhti galiyey sidi ay ugu suurogali laheyd.

Hadal iyo gabagabdi  waxaa soo socda Guulo waxku ool ah oo lagu farxo waxa kale oo marwalba amaan mudan Mudane abdi Mohamud Omar oo dadaal badan mujiyay degaankana ka abuuray shaqo iyo nabad gelyo iyo kala dambayn hadana ku mashquulsan sidii dhalinyarada degaanka qorshe loogu samayn lahaa xag waxbarasho iyo xag shaqaba

 

 

]]>
http://bulaale.com/2012/05/14/xidhiidhka-beesha-absame-iyo-tigreega-oo-aad-usii-wanaagsananaya-iyo-meles-oo-rajo-ka-muujiyey-shidaalka-dooxada-ogaden/feed/ 0